Home Wararka Dhaqdhaqaaqyo ciidan oo kasocda Jiidaha dagaalka ee gobalka Sool & welwel laga...

Dhaqdhaqaaqyo ciidan oo kasocda Jiidaha dagaalka ee gobalka Sool & welwel laga qabo dagaal qarxa

231

Saacadihii ugu dambeeyey waxaa la dareemayay dhaqdhaqaaqyo cusub oo kuwajahan deegaanka Tukaraq oo ay isku horfadhiyaan ciidamada labada dhinac ee Puntland & Somaliland, waxaana cabsi laga qabaa dagaal rasmi ah oo markale dib uga qarxa deegaankaas, sidda ay shegayaan Goobjoogayaal kusugan agagaarka ay dhinacyadu isku horfadhiyaan.

Ciidamada ayaan tan iyo shalay galab is dhaafsaneyey hubka culus oo ay ku garaacayaan goobaha ay tuhunsan yihiin in uu qolo kasta u yaalo hubka culus, waxaana la maqlay qarax weyn oo ka dhacay meel u dhaxeysa Gambara & Tukaraq, oo la rumeysan yahay in ay ahayd halka keydka Hubka ciidanka Somaliland oo madfac ku dhacay.

Kasokow rasaasta haddana dhinacyada ayaa sameeyey dhaqdhaqaaqyo ciidan, waxaana galbeedka Tukaraq iyo Barrigeeda Dhoodiga ahba laga dareemayaa ciidamada oo dhaqdhaqaaq ka wada.

SHARE