DEG DEG DAAWO: Madaxweyne kuxigeenka Puntland oo Buuhoodle kaga dhawaaqay in aysan Dagaal joogsaneyn, si cadna ula hadlay Beesha Caalamka.

Madaxweyne kuxigeenka Maamulka Puntland Eng Cabdi-Xakiim Xaaji Cumar Camey ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in dagaalka Tukaraq ka bilowday uusan joogsan doonin ilaa uu gaaro deegaanka Oog ee duleedka magaalada Burco.

Madaxweyne kuxigeenka oo Boqolaal dad ah kula hadlay bartamaha magaalada Buuhoodle ayaa si rasmi ah u cadeeyey in ay Puntland doonayso in ay soo celiso gobalada maqan oo dhan, gaar ahaana magaalooyinka Tukaraq, Gambara, Laascaano, Yagoori, Adhi-Cadeeye & Gumbeys, dhamaantoodna ay yihiin deegaano Puntland.

Beesha Caalamka ayuu u sheegay in uusan dagaalkan joogsan doonin, haddii ciidamada Somaliland ay dib ugu laabtaan xataa Gambara aysan aqbali doonin oo ay wadi doonaan dagaalkan.

Shacabku ayuu u sheegay in uu yimi Buuhoodle Ciidan & Calaf in laga keeno, ayna soo dhaweeyeen oo ay balan qaadeen oo ay ka heleen, wuxuuna cadeyey in ay Puntland ka go`an tahay dagaalkan.

HALKAN HOOSE KA DAAWO MUUQAALKA


Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




ADVERTISEMENT