Home Wararka WARARKII Ugu dambeeyey Xaaladda Jiidaha dagaalka & Rasaasta oo mararka qaarkood la...

WARARKII Ugu dambeeyey Xaaladda Jiidaha dagaalka & Rasaasta oo mararka qaarkood la maqlayo

718

Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaaraya jiidaha dagaalka ee ay isku horfadhiyaan ciidamada Puntland & Somaliland ayaa sheegaya in rasaasta ciidamadu ay isku ridayaan ka sokow ay xaaladdu degan tahay sadexdii maalmood ee lasoo dhaafay, maanta oo Arbaco ahna ay qolo kasta sameynayaan dhaqdhaqaqyo ciidan oo xoog badan, isla markaasna ay qolo kasta kusugan tahay deegaanadii ay horey u joogeen, gaar ahaana ay socdaan dhaqdhaqaaqyadooda ciidan.

Saacadihii ugu dambeeyey ciidamada Difaaca ee Puntland ayaa muujiyey dhaqdhaqaaqyo cusub, waxaana ay degeen gobo cusub, taas oo welwel ku beertay dhinaca maamulka Hargeysa oo hadda xaqiiqsaday duulaan culus oo kuwajahan.

Saraakiisha ciidamada Difaaca Puntland oo la hadlay Warsidaha Allbanaadirnews.com waxay u sheegeen in ay wajahayaan xoreynta gobalka Sool, aysana wali ciidamadooda 10%-kiiba wali aysan galin wax dagaal ah, taas oo ka dhigan in dagaaladii dhacay maalmihii lasoo dhaafay ay ahaayeen kuwa ku kooban guuto oo kaliya.

Taliyaha ciidamada La dagaalanka Argagixisada ee Puntland Jen, Muxyadiin Axmed Muuse ayaa sheegay in ay xoreyn doonaan Shacabka Puntland ee Laascaano, cidda masuuliyada dagaalka qaadaysana ay tahay kooxda Jeegaanta ee weerarka soo qaaday.

Gurmadyo xoog badan ayaa gaaray ciidamada difaaca ee dawladda Puntland, waxayna gurmad iyo garab istaag ka heleen shacabkooda, iyagoo hadda u muuqda in ay qaadayaan mid kamid ah howlgaladii ugu cuslaa ee ay ku gaarayaan Xaduudaha Puntland.

Kacdoon shacab oo xoog leh ayaa ka jira guud ahaan gobalka Sool, waxayna dawladda Puntland shalay cadeysay in aysan ka baaqsan doonin sidii ay heeryada Gumeysi uga dulqaadi lahaa shacabka magaaladaas, ka dib markii ay dhaceen banaanbaxyo iyo rasaas toos ah oo lala dhacay shacabka aan hubeysaneyn ee magaalada oo muujinayey taageeradooda ciidamada dawladda Puntland.

DAAWO SOORAAN IYO JAWAAN OO KEENAY FILIM CUSUB 2018

SHARE