Dhacdo Layaab leh: Haweenay gacan ka gaysatay dilka aabaheed..(Daawo Sawirada)

Haweenay aabaheed oo 93 sano jir ah geysay xarun dadka nafta looga qaado oo ku taalla dalka Switzerland ayaa sheegtay inay diyaar u tahay inay xabsi arrintaas u gasho.

Sandra Holmes, oo 66 sano jir ah iyo wiilkeeda Scott , oo ku nool waqooyi bari UK ayaa John Lenton geeyey xaruntan bishii Octobar ee la soo dhaafay, iyagoo ogsoona in tallaabada ay ku dhaqaaqeen ay baalmarsanayd sharciga.

Waxay sheegtay inuu aabaheed weydiistay inay ku taageerto inuu isku dilo dalka dibadiisa.

Ms Holmes iyo Scot oo 40 sano jir ah ayaa sheegay ,inay sugayaan in dacawad lagu soo oogi doono iyo in kale.

Booliska Koonfurta Wales ayaa sheegay inay baareen kiiskan ayna u gudbiyaan waaxda dacwad qaadista.

Ms Holmes ayaa sheegtay inaysan ka shalaynaynin falkii ay sameysay.

“Waxaan ka warsugeynaa go’aanka waaxda dacwad qaadista si ay go’aan ooga gaarto kiiskan” ayey tiri

Scott Holmes ayaa sidoo kale sheegay inuu diyaar u yahay inuu xabsiga u galo arrintan.

”Waxan u sameynay wixii uu doonayey aabaheen ,marka kama qoomamayno”, ayuu yiri Scott.

Ms Holmes ayaa sheegtay in safarka ay aabaheed xaruntaasi ugu qaaday uu qaatay todobo bilood oo qorshayn ah ,ayna ku baxday kharash gaaraya 15,000 oo doolar.

Waxay hadda ku baaqeysa in wax laga badelo sharciga dalka si dadka aabaheed oo kale ah ay u sameeyaan waxa ay doonayaan.

“Waxan aaminsanahay inay tahay inuu qof kasta go’aansado waxa uu jacelyahay ” ayey tiri.

“Taasi waxay ahayd wixii uu aabahay go’aansaday ,marka waxa aan sameynayna waxay ahayd sax”

“Ma aaminsani in qof dambi looga dhigo inuu qof kale ku caawiyo go’aankiisa”ayey sii raacisay.

ISHA: BBC

KHADAR KEEYOW IYO GABAR CADAAN AH


Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




ADVERTISEMENT