Home Wararka DEG DEG: Wararkii Ugu dambeeyay Qarax caawa ka dhacay Muqdisho

DEG DEG: Wararkii Ugu dambeeyay Qarax caawa ka dhacay Muqdisho

767

Wararka inaga soo gaaraya Carwo Iidka oo ku dhaw isgoyska Baar-ubax ayaa waxa ay sheegayaan in koox hubeysan fiidnimadii caawa ay halkaasi ku weerareen ciidan dowladda ka tirsan.

Goobjoogayaal ayaa inoo sheegay in dableyda ay bambo gacmeed ku tuureen ciidanka ammaanka gaar ahaan kuwa xasilinta ee halkaasi fariisinka ku lahaa, kadibna ay dableydii baxsadeen.

Warar soo baxaya ayaa waxa ay sheegayaan in weerarkaasi uu ku dhaawacmay hal askari oo ka tirsan kuwa xasilinta, ciidamada ayaa qaraxa kadib waxay rasaas u rideen afarta jiho, iyada oo aanay jirin cid ay waxyeeleysay rasaastaasi.

Ciidamo dheeraad ah ayaa gaaray goobta uu weerarka ka dhacay, waxayna ku daba jiraan dableydii weerarka geysatay oo loo maleynayo in ay ka tirsan yihiin mintidiinta ururka Al-shabaab.

Dilalka iyo weerarada ka dhaca magaalada Muqdisho oo ay geysanayaan ururka Al-shabaab ayaa kordhay inta la guda galay bisha barakeysan ee Ramadaan, Hay’adaha ammaanka ayaa wada dadaalo ay ku xakameynayaan weeraradaasi.

DAAWO GABAR SOMALI AH OO SAMEESAY ARIN DAD BADAN KA YAABISAY

SHARE