WAR CUSUB: Maxaa ka socda Jiidaha Dagaalka ee G Sool, Dhaqdhaqaaqyada oo sii kordhaya & Ciidamo hor leh oo gaaray.

Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaaraya jiidaha dagaalka ee ay isku horfadhiyaan ciidamada Puntland & Somaliland ayaa sheegaya in rasaasta ciidamadu ay isku ridayaan ka sokow ay xaaladdu degan tahay maanta, isla markaasna ay qolo kasta kusugan tahay deegaanadii ay horey u joogeen, gaar ahaana ay socdaan dhaqdhaqaaqyadooda ciidan.

Saacadihii ugu dambeeyey ciidamada Difaaca ee Puntland ayaa muujiyey dhaqdhaqaaqyo cusub, waxaana ay degeen gobo cusub, taas oo welwel ku beertay dhinaca maamulka Hargeysa oo hadda xaqiiqsaday duulaan culus oo kuwajahan.

Saraakiisha ciidamada Difaaca Puntland oo la hadlay Warsidaha Allbanaadirnews.com waxay u sheegeen in ay wajahayaan xoreynta gobalka Sool, aysana wali ciidamadooda 10%-kiiba wali aysan galin wax dagaal ah, taas oo ka dhigan in dagaaladii dhacay maalmihii lasoo dhaafay ay ahaayeen kuwa ku kooban guuto oo kaliya.

Taliyaha ciidamada La dagaalanka Argagixisada ee Puntland Jen, Muxyadiin Axmed Muuse ayaa sheegay in ay xoreyn doonaan Shacabka Puntland ee Laascaano, cidda masuuliyada dagaalka qaadaysana ay tahay kooxda Jeegaanta ee weerarka soo qaaday.

Gurmadyo xoog badan ayaa gaaray ciidamada difaaca ee dawladda Puntland, waxayna gurmad iyo garab istaag ka heleen shacabkooda, iyagoo hadda u muuqda in ay qaadayaan mid kamid ah howlgaladii ugu cuslaa ee ay ku gaarayaan Xaduudaha Puntland.

Kacdoon shacab oo xoog leh ayaa ka jira magaalada Laascaano, waxayna dawladda Puntland shalay cadeysay in aysan ka baaqsan doonin sidii ay heeryada Gumeysi uga dulqaadi lahaa shacabka magaaladaas, ka dib markii ay dhaceen banaanbaxyo iyo rasaas toos ah oo lala dhacay shacabka aan hubeysaneyn ee magaalada oo muujinayey taageeradooda ciidamada dawladda Puntland.


Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




ADVERTISEMENT