Home Wararka Somaliland Oo Lagu Jabiyey Dagaalkii Tukaraq Iyo Taliyaha Ciidamada La Dagaalanka Argagixisada

Somaliland Oo Lagu Jabiyey Dagaalkii Tukaraq Iyo Taliyaha Ciidamada La Dagaalanka Argagixisada

1334

Taliyaha ciidamada La dagaalanka Argagixisada & Mukhaadaraadka ee dawladda Puntland Jen, Muxuyadiin Axmed Muuse ayaa beeniyey warar ay soo qoreen warbaahinta maamulka Hargeysa iyo xubno kamid ah maamulkaas oo ay ku sheegeen in ay ku qabteen dagaal ka dhacay deegaanka Tukaraq ee gobalka Sool, waxaana uu sheegay in wali Maamulka Hargeysa uusan wali garowsan xaqiiqada dagaalka.

Taliyaha oo la hadlayay warbaahinta gudaha ayaa sheegay in ay ciidamada Difaaca ee dawladda Puntland kaabiga ku hayaan magaalada Laascaanood, wuxuuna sheegay in Muuse Biixi & Maamulkiisa laga sifeyn doono xaduudaha Puntland.

Jeneraal, Muxyadiin wuxuu sheegay in dagaalkii Somaliland lagu jabshay ee Tukaraq uu kalifay in la xasuuqo Shacabka magaalada Laascaanood, wuxuuna sheegay in aysan Somaliland maleeshiyadoodu wali dhadhamin khasaaraha rasmiga ah ee dagaalka, loogana baahan yahay adkeysi.

Shacabka magaalada Laascaano ayuu u sheegay in ay ku soo dhaw yihiin ciidamadoodii, oo looga baahan yahay in ay garab iyo gaashaanba siiyaan, una soo gudbiyaan xogaha cadowga ku soo duulay Puntland.

SHARE