Home Wararka Wararkii Ugu Dambeeyay Weeraro Qaraxyo ku jiraan oo ka dhacay Muqdisho &...

Wararkii Ugu Dambeeyay Weeraro Qaraxyo ku jiraan oo ka dhacay Muqdisho & Shabaab oo War soo saaray

1053

Qaraxyo Xarakada Al Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda weeraro qorsheysan oo Xalay ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho.

Mid ka mid ah weeraradaasi ayaa waxaa ay Al Shabaab sheegeen in ay ku qaadeen Ciidamo ka tirsan kuwa Xasilinta oo marayay nawaaxiga Isgoyska Ex Koontarool Balcad degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir.

Sidoo kale Al Shabaab ayaa sheegtay in weerar gaadma ah ay ku qaadeen Fariisin Ciidamada dowladda ay ku leeyihiin agagaarka Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ee magaalada Muqdisho.

Warkan ka soo baxay Al Shabaab lagu sheegin khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay weeraradaasi.

Dhinaca kale ma jiro weli wax war oo ay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, gaar ahaan laamaha ammaanka ay ka soo saareen weeraradaasi.

Tan iyo markii lagu galay bisha barakeysan ee Ramadaan ayaa waxaa M/ Muqidisho ka dhacayay dhibaatooyin amni oo u badan weeraro iyo dilal qorsheysan.

SHARE