Home Muuqaalo DEG DEG: Rasaas Laascaanod laga Maqlayo iyo dad badan oo Xabsiga la...

DEG DEG: Rasaas Laascaanod laga Maqlayo iyo dad badan oo Xabsiga la dhigay

479

Magaaladda Lascanood ee Xarunta Gobolka Sool waxaa maalintii labaad ka socda isu soo baxyo balaran oo ay soo qabanqaabiyeen qaybaha bulshada magaaladu.

Maanta waxaa fagaraha magaalada lagu qabtay mudaharaad weyn oo ay isugu yimadeen dadweynaha reer sool,waxaana ay ku muujiyeen sida ay uga soo horjedaan Maamulka Somaliland oo ay shegeen in uu degaanka kasameyey xarig iyo handadaad shakhsiyaadka muhiimka ah ee bulshada Magaaladda.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

Qaar kamid ah Shacabka magaalada Laascaanood ayaa siwayn uga hadlay Dhibaatada lagu hayo, Waxayna sheegeen inaysan u dulqaadan doonin Cabudhinta lagu hayo.

Ciidamadda Somaliland ee kusugan gudaha Lascanod aya isku dayey in ay xakameyaan bananabaxyada wallow anay ku guulaysan,waxaan sadexdan maalmood socday xarig loo gaystay wariyayaal,ganacsato ,Haween,Dhalinyaro iyo shaksiyaad kale,kuwasoo la sheegay in ay muujiyeen sida ay uga soo horjeedan joogitaanka Ciidanka Somaliland ee Gobolka Sool.

SHARE