Home Wararka DEG DEG: Qaraxyo Xoogan & Rasaas laga maqlayo Muqdisho iyo Weerar lagu...

DEG DEG: Qaraxyo Xoogan & Rasaas laga maqlayo Muqdisho iyo Weerar lagu qaaday Xaruunta Wasaarada Difaaca

682

Wararka naga soo gaaraya Degmada Deyniile ee Duleedka Magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in Kooxo Hubeysan ay goordhow weerar ku qaadeen Xarunta Wasaarada Gaashaandhiga oo ah meel amnigeeda aad loo ilaaliyo.

Kooxo Hubeysan ayaa Bambaanooyin ku tuuray Kontoroolka laga galo irida Koowaad ee Wasaarada Gaashaandhiga, Waxaana xigtay rasaas xoogan oo laga maqlay Goobta.

Goob Joogayaal ayaa soo sheegaya in dhowr Bam lagu tuuray marka la dhaafo halka loo Yaqaano Ceell Tusbaxle, Waxaana ku yaala Goob Baaritaan oo lagu hubiyo Gaadiid iyo dadka galaya Dhismaha Xarunta Wasaarada Difaaca Somaliya.

Saraakiil katirsan laamaha amniga ayaa qiray in Qaraxyada kadib ay xigeen rasaas ay isweydaarsadeen Ciidankii ku sugnaa Goobta iyo dableydii weerarka soo qaaday, Warar soo abxaya ayaa sheegaya inuu jiro Khasaare kala duwan oo ka dhashay weerarka waloow aan xaqiiqdiisa la heyn.

Masuuliyiin katirsan Maamulka Degmada Deyniile ayaa dhankooda qiray in Bambaanooyinka ay jiraan balse Rasaasta la maqlay ay yihiin oo kaliya kuwo ay ridayeen Ciidankii ku sugnaa goobta la weeraray.

Xarunta la weeraray ee Wasaarada Gaashaandhiga waxaa horay saldhig ay ugu eheyd Madaxweynaha Dalka Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo, waloow uu isaga soo guuray markii la xalliyay Khilaafkii ka dhashay Mooshinkii ka dhanka ahaa Gudoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Maxamed Cismaan Jawaari.

SHARE