Dab Goordhaw ka kacay isbitaalka haweenka ee magaalada Jowhar

Waxaa dab ka kacay qeybo ka mid ah isbitaalka haweenka ee magaalada Jowhar iyadoo dabkaasina uu yahay mid ku sii fidaya qeybo kamid ah isbitaalka.

Dabkan oo bilowday saqdii dhexe ee caawa ayaa ka bilowday baqaar ku yaal isbitaalka waxaana socda dadaalo lagu doonayo in lagu damiyo.

Maamulka degmada Jowhar iyo kan gobolka Sh/dhexe iyo dadweyne faro badan ayaa ku sugan isbitaalka iyadoo ay daminta dabkana ka qeybqaadanayaan dabdamiska magaalada Jowhar.

Lama oga illaa iyo hadda sababta dhalisay dabkan. Isbitaalka Hooyada iyo dhalaanka ee magaalada Jowhar ayaa ah isbitaal ay ku umulaan haweenka iyadoo isbitaalka uu yahay mid muhiimad weyn u leh shacabka gobolka iyo deegaanada ku dhow dhowba.

Kala soco Allbanaadirnews.com wixii ku soo kordha dabkan.


Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




ADVERTISEMENT