Home Muuqaalo DAAWO R/Wasaaraha Itoobiya Oo Shaaciyay War Farxad Leh Soomaalidana Dan Ugu Jirto

DAAWO R/Wasaaraha Itoobiya Oo Shaaciyay War Farxad Leh Soomaalidana Dan Ugu Jirto

1654

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiye Ahmed ayaa ku dhawaaqay tallaabo geesinimo leh oo uu ugu ogolaanaya dadka kasoo jeeda qaarada Africa in dalkiisa ay fiiso la’aan kusoo geli karaan dalkiisa.

Tallaabadiisa uu qaaday ra’iisul wasaare Abeye Ahmed ayaa ka danbeysay kadib markii uu Addis Ababa booqasho ku yimid madaxweynaha Rwanda Paul Kagame oo horay tallaabadaani u qaaday in dalka Rwanda muwaadiniinta Afrika ay fiiso la’aan ku tegi karaan dalkiisa.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

Paul Kagame ayaa sanadkaan horaanrtiisa go’aamiyay in muwaadiniinta Afrika ay marka ay yimaadaan dalka Rwanda garoonka ka qaadan karaan fiisaha mudo 30 cisho ah oo ay kaga dhaceyso.

Siyaasadda furnaanshaha ee Itoobiya qaadaneyso ayaa waxay soo jiidaneysaa dalxiisayaasha Afrikaanka ah iyo dadka kale ee arrimaha gaarka u tegaya Itoobiya.

Qorshahaan ayaa ah mid qaarada oo dhan lagu wado in ay ku dhaqmaan, wanna mid ay ka fa’iideysan donna malaayiin qof oo qaarada iskaga kala goosha.

Muwaadiniinta Soomaaliyeed oo dhibaato ku qaba helitaanka fiisaha dalka Itoobiya ayaa ka faa’iideysan doona tallaabadan geesinimada leh ee uu uu qaaday ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiye Ahmed.

SHARE