Somaliland oo Toogasho ku dishay Askar Puntland looga qabsaday Dagaalka Tukaraq

Warar madax banaan ayaa sheegaya in shalay gelinkii dambe la geeyay Isbitaalka magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland ilaa 7 Askari oo Meyd ah, kuwaas oo ka tirsanaa Ciidamada maamulkaasi.

Saraakiil ka tirsan Puntland ayaa sheegay in Askartaasi Meydadkooda la geeyay Garoowe ay ahaayeen Maxaabiis Soomaaliland ay ku qabatay dagaalkii Tukaraq.

Waxaana ay tilmaameen ka hor inta aan la dilin in ay la soo hadleen Qoysaskooda, una sheegeen in la qabtay, balse markii dambe iyagoo Meyd ah loo soo gudbiyay dhinaca Puntland.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka maamulka Soomaaliland oo ku aadan eedeymahaasi loo jeediyay.

Xiisada u dhexeysa labada maamul ayaa ah weli mid kacsan, iyagoona dhaq dhaqaaqyo ka wada deegaanka la’isku hayo ee Tukaraq gobolka Sool ee Waqooyiga Soomaaliya.


Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




ADVERTISEMENT