Home Wararka RW Kheyre oo Ciidamo Beeshiisa ah ku daray Ciidamada Villa Somalia

RW Kheyre oo Ciidamo Beeshiisa ah ku daray Ciidamada Villa Somalia

410

R/wasaaraha Soomaaliya ayaa hal Unug oo ciidan ka tirsan beeshiisa Murusade gaar ahaan Habarceyne ku dursaday ciidamada Ilaaliya amaanka Madaxtooyada iyo agagaaraheeda ee la yiraahdo 60-aad.

R.wasaaraha ayaa keensaday ilaa 11 Askari oo u dhashay Beeshiisa, waxaana arrintaas ka dhalatay muran farabadan oo ku aadan inuu Kheyre keensado Madaxtooyada ciidamo isaga ku heyb ah.

R/wasaaraha ayaa ciidankaas ka dhigtay istaafkiisa gaarka ah, waxaana muuqato inuu R.wasaaraha garab maray habka loo qaadan jiray ciidamada ka tirsan qeybta 60-aad ee ilaaliyo Madaxtooyada iyo Madaxda qaranka.

Maalmihii ugu dambeeyey arrintaan ayaa noqotay hadal heynta ugu badan, waxayna keentay inay taliyaasha ciidamada Madaxtooyada ka hor imaadaan arrintaas, inkastoo aysan wax saameyn ah ku yeelan go’aanka R.wasaaraha maadaama ciidamadii uu keensaday loo diiwaan geliyey inay kamid ah noqdaan Qeybta 60-aad.

Lama ogo haddii uu arrintaan wax ka ogyahay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

SHARE