Hal Qodob oo ay la timid Somaliland oo hortaagan Xabad joojinta Tukaraq

Waawnaan iyo dadaallo nabadeed oo ay wadeen wakiilada Beesha caalamka si xabad joojin looga gaaro dagaalka dhiigga badan ku daatay ee ciidamada Somaliland iyo Puntland ku dhex maraya degaanka Tukaraq ee Gobolka Sool ayaa fashilmay kadib markii maamulka Somaliland uu qodob caqabd ah ku xiray heshiiska.

Wakiilka Q/Midoobay iyo sii-hayaha safiirka Mareykanka ee Soomaaliya oo isaga dab qaaday madaxweynayaasha Somaliland iyo Puntland, isla markaana xiriir la sameeyay madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku guuleysan waayay xabad joojin labada dhinac la dhex dhigay 23-ka Bishan May.

Somaliland ayaa ku adkeysaneysa inay la hadasho maamulka Puntland iyadoo ku doodeysa in dagaalka ay kula jirto dowladda Soomaaliya, waxayna meesha ka saartay inay colaada Tukaraq waanwaan kala gasho maamulka Puntland, iyadoo uu fashilmay dadaal beesha caalamka ku dooneysay inay xiriir khadka telefoonka ah ku wadahadalsiiso madaxweynayaasha Muuse Biixi Cabdi iyo c/weli Gaas.

Waxaa weli socda dadaalka ay wado beesha caalamka oo dhowaan soo saartay baaq ku wajahan labada maamul inay xabadda joojiyaan, iyadoo maamulka Somaliland lagu cadaadinayo inuu xaqiiqada u soo laabto.


Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




ADVERTISEMENT