Home Wararka DEG DEG: Dagaal Goordhaw ka bilawday Wadada hormarta Xabsiga Godka Jilacoow Muqdisho

DEG DEG: Dagaal Goordhaw ka bilawday Wadada hormarta Xabsiga Godka Jilacoow Muqdisho

902

Israsaaseyntaan oo geystay khasaaro kala duwan ayaa waxa ay ka dhacday afaafka hore ee Xabsiga Godka Jilacoow ee degmada Boondheere,waxa ayna u dhaxeysy Ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

Goobjoogayaal ayaa waxa ay sheegeen in ay dhaxmartay Ciidamo isugu jira Milateri iyo Boolis gaar ahaan kuwa ilaalada ka ah Xabsiga Godka Jilacoow,waxana la sheegay in hal Askari oo ka tirsanaa Ciidamada Milateriga uu halkaasi ku dhaawacmay.

Sababta is rasaaseynta ayaa lagu sheegay in ciidamo Milateri ah oo watay Gaari ay doonayeen in ay maraan Wadada hormarta Xabsiga Godka Jilacow balse ay ilaalada ka diideen taas oo keentay in ay is rasaaseeyaan.

Xaalada ayaa haatan ah mid degan,waxana goobta soo gaarey Saraakiil ka tirsan Ciidamada dowladda kuwaas oo xaliyey khilaafkii meesha ka dhashay.

SHARE