Ciidanka Xasilinta oo Soo Qabtay Ragii dilalka ka geysan Jiray Muqdisho

Howlgal ay Ciidamada Ammaanka gaar ahaan qeybta xasilinta xalay ka sameeyeen degmada Wartanabada ee gobolka Banaadir ayaa waxa ay ku soo qabteen hub iyo rag lagu tuhmayay in ay qeyb ka yihiin Amnidarrada Magalada Muqdisho.

HALKAN KA DHAGEYSO CODKA

Saldhigga degamda Wartanada ayaa lagu soo bandhigay Raggaas iyo hubka ay wateen,waxna Goobjoog ka ahaa Guddoomiye kuxigeenka Amniga iyo Siyaasada ee Maamulka gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi (Tuulax) iyo guddoomiyaha degmada Wartanabada Seynab Xaabseey iyo Saraakiil Ciidan.

Guddoomiyaha degmada Wartanabada Seynab Xaabseey ayaa sheegtay in raggaas oo gaarayay ilaa 2 lagu arkay,iyaga oo watey hub Sharcidarro ah Xaafada Xamar Bile mid ka mid ahna uu hubkii tuuray halka midka kale ay Gacanta ku hayaan,isla markaana howlgalka uu sii socon doono.

HALKAN RIIX OO KA DHAGEYSO CODKA


Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




ADVERTISEMENT