Warar haatan kusoo kordhay degaanka Tukaraq oo Somaliland iyo Puntland dagaal kudhex maraayo

Sida ay sheegayaan wararka aan haatan ka heleyno degaanka Tukaraq ayaa shegaayo in halkaas laga maqlaayo rasasa goos goos ah oo labada dhinac isweydarsanayaan.

Rasaastaas ayaa teel teel ah waxaana laga maqlayaa jiidaha hore ee ciidamada isku horfadhiyaan inkastoo dagaal toos ah aan socon.

Labada dhinac ayaa khasaaro xoogan kasoo gaaray dagaalkii maalinimadii shalay halkaas kadhacay waxaana lasheegayaa in gurmadyo kala duwan oga imanayaan caasimadaha labadaas maamul.

Baaqyo beesha caalamka iyo soomaalida dhexdeeda ayaa gaaray labada dhinac inkastoo madaxda labadaas maamul mid waliba sheeganaayo in lasoo weeraray.


Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




ADVERTISEMENT