Somaliland oo War layaab leh Kasoo Saartay Dagaalka Tukaraq..(Dhageyso)

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Faarax (Guribarwaaqo) ayaa sheegay in ciidamo katirsan daraawiishta Puntland ay weerar ku soo qaadeen ciidamada katirsan Somaliland oo ku sugan jiida hore ee dagaalka deegaanka Tukaraq ee Gobalka Sool

HALKAAN KA DHAGEYSO DAGAALKA

“Saaka Abaaro lixdii Aroornimo ayaa ciidammada cago-jiidka ah ee maamulka Farmaajo uu mar kale isku dayay inuu weerar ku soo qaado xuduudaha iyo ciidammada Somaliland ee fadhigiisu yahay Tukaraq, marnaba looma fadhiyin in dawlad Islaam ahi ama dad muslim ahi dad muslim ah xilliyada caynkaasi ah oo bishii barakaysnayd aynu jirno ay weerar ku qaadaan dhimasho iyo dhaawacba dhinac walba ka gaystaan,”ayuu yidhi Wasiirka Warfaafinta Soomaaliland Cabdiraxmaan Guri-barwaaqo

Wasiirka oo sii hadlayay ayaa yiri “Hase yeeshee iyagoo mar kale is leh ka faa’iidaysta duufaannadii Somaliland ka dhacay ee ay dadwaynaha iyo dawladda Somaliland ku mashquulsan yihiin sidii loo samatabixin lahaa dadkii ay dhibaatadu soo gaadhay ayay arrintaasi isku dayeen oo ay Ciidammada Puntland saddex meelood weerar kaga soo qaadeen Ciidamada Somaliland, saddexdiiba waa lagu jabiyey guushana waxa leh Somaliland.” ayuu yidhi Wasiirka Warfaafinta Soomaaliland.

Dagaalka saaka aroortii ka dhacay deegaanka tukaraq ee gobalka Sool ayaa dadka deegaanka sheegeen inuu jiro khasaare labada dhinac soo kala gaaray, iyo sido kale in wali dhaq dhaqaaq ciidan uu wali jiro.

Tags: 


Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




ADVERTISEMENT