Home Wararka Muqtaar Roobow oo Jabkii Ugu Xooganaa gaarsiiyay Kooxda Shabaab

Muqtaar Roobow oo Jabkii Ugu Xooganaa gaarsiiyay Kooxda Shabaab

1125

Maleeshiyaadka al-Shabaab ayaa wajahaaya culeyso kala duwan oo kaga imaanaya dhanka Dowlada Somalia, Mareykanka iyo AMISOM.

Culeyska ugu badan oo ay la kulmayaan maleeshiyaadka al-Shabaab ayaa ah mid weeraro iyo Howlgalo maleeshiyaadka looga sifeynaayo boholada iyo Aqalada ay kaga sugan yihiin magaalada Muqdisho iyo daafaheeda.

Caqabadaha ay wajahayaan maleeshiyaadka ayaa waxaa kamid ah Dhaqaale la’aan kasoo foodsaatay al-Qaacida oo ah Hogaanka kaliya oo ay ku tiirsan yihiin.

Hoos u dhaca maleeshiyada ayaa soo degdegay tan iyo markii uu wadaadka Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur isku soo dhiibay Dowlada Somalia taa oo dhabar jab ku noqotay al-Shabaab.

Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo garab u noqday Dowlada Somalia ayaa banaanka soo dhigay Sirta Maleeshiyaadka, taa oo kordhisay Duqeymaha lagu hayo Saldhigyadooda.

Roobow waxa uu si toosa xiriir ula wadaagaa Maleeshiyaad isaga daacad u ah oo ku dhex jira al-Shabaab kuwaa oo ku midoobay dhabar jabinta al-Shabaab iyo in loo maleego dhagar waliba oo ay ku burburikaraan.

Dhibaatooyinka uu Mukhtaar Roobow u maleegay maleeshiyaadka tan iyo markii uu isa soo dhiibay ayaa waxaa kamid ah:

1-Kala firxasho ku dhacday Hoagaanka iyo Dagaalamayaasha al-Shabaab.
2-Al-Shabaab oo saaxiib u noqotay Saldhig la’aan iyo inay galaan Jawi barakac, sababo la xiriira duqeymo joogta ah oo lagu hayo.
3-Duqeymo aan horay u dhicin oo lagu hayo Xarumaha maleeshiyada, kadib isdhiibida Mukhtaar Roobow.
4-Dagaalamayaasha Shabaab oo intooda badan usoo goostay Mukhtaar Roobow.
5-Roobow oo maamulka Koonfur Galbeed u gacan galiyay ku dhawaad 11 Horjooge oo uu isaga ka shaqeeyay goosashadooda.
6-Al-Shabaab oo ku dhiiraday inay isaga baxaan Saldhigyada ku dhawaan goobaha MKG iyo Ciidamada Dowlada oo intooda badan qabsaday.
7-Al-Shabaab oo hoos uga dhacday halkii ay horay u taagneyd, kadib markii Roobow uu banaanka soo dhigay khaladaadkooda.

Mukhtaar Roobow ayaa horay u sheegay in maleeshiyada al-Shabaab ay heystaan diin aan aheyn tan saxda ah, waxa uuna cadeeyay inay yihiin kuwo ahmiyada koowaad siiya Xasuuqa shacabka.

Roobow waxa uu tilmaamay in maleeshiyaadka al-Shabaab ay garab ka helaan dhinacyo badan oo uu ka gaabsaday, hase ahaatee uu mar waliba ka digay dhagartooda.

Si kastaba ha ahaatee, Is dhiibida Mukhtaar Roobow ayaa fashil ugu horeeyay maleeshiyaadka, waxaana xusid mudan in Hogaankooda uu xiligaan yahay mid uu Khilaaf hareereeyay.

SHARE