DAAWO: Puntland oo sheegtay in la dilayo qofkii Somaliland gacansiiya hantidiisana lala wareegayo…

Guddiga Difaaca Puntland oo magaalada Garowe kula hadlaya warbaahinta ayaa sheegay inay ka go’antahay xoraynta gobolka Sool iyo deegaanada kale ee ka Maqan Puntland.

Wasiirka Amniga Puntland, Axmed Cabdullaahi Yusuf (Dowlad) ayaa akhrinayay 11 qodob ay soo saareen guddiga, waxaana kamid ahaa in Puntland ay dil ku fulin doonto cid kasta oo jaajuus u ah Somaliland.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

Puntland waxay sheegtay n inaysan cadow ku ahayn shacabka ku nool gobollada Waqooyi Galbeed Soomaaliya.

Waxaa lagu xisay In Puntland ay ka go’antay Xoraynta Gobolka Sool, iyadoona dadka kasoo horjeeda arintaasi lagu Qaadayo Xeerka Ciqaabta, ayna tahay Dambi qaran, Sidoo kalana Hubkasta oo loo arko inuu Lid ku yahay Xoraynta dhulka maqan, Wuxuu lamid Noqonayaa Hubka Cadowga.

Taliye Ciidan iyo Masuul kasta oo Kasoo baxa Somaliland, Wuxuu Mutaysanayaa Abaal-marin, Waxaana sidoo kale lagu xusay Qofkasta oo u shaqeeya Somaliland, Kana soo jeeda Puntland intuu mutaysan doono Xeerka Ciqaabta Puntland.


Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




ADVERTISEMENT