Home Wararka C/raxmaan C/shakuur: Lacag dalka Qadar laga keenay ayaa loo qeybinayaa xildhibaanada

C/raxmaan C/shakuur: Lacag dalka Qadar laga keenay ayaa loo qeybinayaa xildhibaanada

229

Cabdiraxmaan Cabdishuur Warsame, oo ah siyaasigii dowladda Kenya u saxiixay inay qaadato qeyb ka mid ah badda Soomaaliya, ayaa sheegay in lacag laga keenay dalka Qadar loo qeybinayo Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Qoraal uu soo dhigay Boggiisa Facebook, ayuu ku sheegay CC Shakuur in $1645,000 (Hal malyan lix boqol iyo afartan iyo shan kun oo dollar) la keenay dalka kadib booqashadii Farmaajo ee Doha.

“Booqashadii Dooxa ka dib waxaa xildhibaanada loo qaybiyey lacag gaaraysa $1645,000 (Hal malyan lix boqol iyo afartan iyo shan kun oo dollar),” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishkuur Warsame.

“Waa masuuliyad daro tii ugu wayneed in dalka oo fatahaad iyo colaad ku jira hantida qaranka lagu takrifalo, iyadoo uu ujeedku yahay af wax cunay ka xishoodsii oo yaanan la isla xisaabtamin,” ayuu yiri CC Shakuur.

Isagoo hadalkiisa sii wata, Cabdiraxmaan ayaa xusay in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya aysan wali bixin Halkii Milyan ee ugu deeqday fatahaadda gobolka Hiiraan, sidoo kalena aysan waxba ka qaban burburkii Muqdisho ay gaarsiiyeen Roobabka ka da’aya.

“Weli cabashadii dawlad Goboleedyada ee balanqaadkii dhinaca amniga iyo kaalmo la’aan dhaqaale waa sidiisii, weli colaadda sokeeye ee Puntland iyo Somaliland cidna deminteeda looma dirin,” ayuu yiri CC Shakuur.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo kamid ahaa musharaxiintii la tartamay Farmaajo doorashadii madaxtinimada 8-dii Febuary ee 2017, ayaa xiriir wanaagsan la leh, lacagna ka qaata dowladdab Imaaraadka Carabta.cc shakuur

SHARE