Home Wararka Maxaa kala heysta Somaalida Ku Nool Dalka Mareykanka iyo Tv-yada ugu Caansan...

Maxaa kala heysta Somaalida Ku Nool Dalka Mareykanka iyo Tv-yada ugu Caansan Dalkaas

298

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Minnesota oo ka jawaabayay warbixin muuqaal ah oo Televisionka FOX 9 ee gobalka Minnesota uu ku weeraray Jaaliyadda, iyo hindise sharci oo ka dhan ah xarumaha Xanaanada Caruurta iyo Hanaanka Xawilaadaha ee Soomaalidu leeyhiin, ayaa waxaa lagu qabtay Aqalka Sharci dejinta ee gobalka Minnesota.

Telefishinka Fox 9 ayaa Jaaliyadda Soomaaliyeed ku eedeeyay inay musuqmaasuqaan lacagaha dowladdu ay ku taageerto Xarumaha xanaanada Caruurta ee ay leeyhiin Jaaliyadda Soomaaliyeed, islamarkaana lacagahaas ay u diraan koxaaha argagixisada ee Soomaaliya, iyagoo boqolaal kun oo doolar oo caddaan ah shandado ku qaada.
Hogaamiyayaasha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Minnesota ayaa eedahaas ku tilmamay inay yihiin, been abuur ay ka danbeeyaan kooxaha neceb Muslimiinta iyo dadka aan caddaanka aheyn

SHARE