Ciidamada Somaliland oo Toogasho ku dilay Muwaadin itoobiyaan ah..

Taliyaha Laanta Socdaalka Gobolka Gabiley ee fadhigiisu Yahey Magaala Xuduudeeda TogWajaale Cabdirashiid Axmed Xasan ayaa, faafahin ka Bixiyey Tahriibe kasoo Jeeda Qawmiyada Oromada ee Dalka Itoobiya oo Ku Geeriyooday, Magaalada Tog­Wajaale kaddib markii uu ku Geeriyoodey Rasaas lagu Ridey markii ay ka baxsadeen Gacanta Ciidanka Booliska Tog­Wajaale.

Cabdirashiid Axmed Xasan Taliyaha Laanta Socdaalka Gobolka Gabiley,oo Warbaahinta Maamulka Somaliand la hadlay ayaa sheegay in Geerida Ninka Tahriibaha ah timid kaddib markii uu isku dayay in uu Booliska ka baxsado.

Booliska ayaa ka war helay goob ay ku suganyihiin Tahriibayaal Itoobiyaan ah oo ku sugan Tog-Wajaale,waxaana markii ay tahriibarayaasha ka war heleen in Boolis ku soo socdo isku dayeen in ay ka baxsadaan halkii ay ku sugnaayeen sidaasna rasaas loogu furay uu ku dhintay Nin u dhashay Oromada Itoobiya


Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




ADVERTISEMENT