Home Wararka Saraakiil Ciidan & Guddoomiyeyaal degmo oo xilka laga qaadayo haddii aysan ka...

Saraakiil Ciidan & Guddoomiyeyaal degmo oo xilka laga qaadayo haddii aysan ka soo bixin…

522

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa Laamaha amaanka Dowladda amar ku siiyay iney hurdada ka kacaan,islamarkaana si adag loo xaqiijiyo ammaanka magaalada Muqdisho inta lagu guda jiro bisha Barakeysan ee Ramadaan.

Sidoo kale,illo xog ogaal ah oo ku dhow Xafiiska Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegaya in Mudane Xasan Cali Kheyre dardaaran adag siiyay Laamaha amaanka,islamarkaana cidii ka soo bixiweysay howsheeda xilkeeda ay ku weyndoonto.

Guddoomiyeyaasha degmooyinka oo horay xil ka qaadis loogu goodiyay ayaa wadnaha farta ku haya,iyagoona ka baqaya falalka ka yimaada Al-Shabaab in xilka looga qaado.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo dar dar gelineysa howlaha amniga ayaa wacad ku martay iney ka guuleysan doonto kooxaha falalka ammaandari ka wado magaalada Muqdisho.

Wasaaradda Amniga oo laamaha amaanka ka mas’uul ah ayaa mas’uuliyadda ugu badan ee wixii amni daro eek a dhaca magaalada qaadan doonto,sida Ra’iisal wasaare Kheyre uu sheegay.

Al-Shabaab ayaa laga cabsi qabaa iney weeraro xooggan ka fuliyaan magaalada Muqdisho.

SHARE