Qarax xoogan oo caawa laga maqlay magaalada Baydhabo iyo warar shegaayo…

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar bambaano oo fiidnimadii caawa gaar ahaan xilliga afurka ka dhacay xaafada Onodka magaalada Baydhabo ee caasimadda KMG ah maamulka Koonfur Galbeed Somaliya.

Weerarkan oo ay geysteen dhalinyaro loo maleynayo in ay ka tirsan yihiin mintidiinta ururka Al-shabaab ayaa wuxuu bartilmaameedkooda uu ahaa askari biyo ka cabayay maqaaxi yar xilliga afurka.

Saraakiisha Hay’adaha ammaanka ayaa inoo sheegay in weerarkan aanu wax khasaare ah ka soo gaarin askarigii uu bartilmaameedku ahaa, balse ay ku dhaawacmeen ilaa afar qof oo shacab ah, kuwaasi oo loo qaaday mid ka mid ah isbitaalada ku yaalla magaalada Baydbao.

Waxay kaloo sheegeen Hay’adaha ammaanka in ciidamada ammaanka ay caawa howlgallo gaar ah ka wadaan xaafada uu weerarka ka dhacay, waxcayna ku daba jiraan raggii falkan ka dambeeyay.

Magaalada Baydhabo ayaa shalay lagu soo gaba gabeeyay shirka madaxda dowlad goboleedyada dalka oo laba maalmood halkaasi ka socday, waxaana ammaanka uu ahaa inta uu shirka socday mid aad loo xaqiijiyay.


Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




ADVERTISEMENT