DEG DEG : Qarax Xoogan oo goordhaw ka dhacay Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Waxaa goordhaw qarax nuuca miinada dhulka lagu aaso uu ka dhacay laamiga hor mara xerada Saban Saban ee magaalada Muqdidho, waxaana qaraxan lala eegtay gaari Tikniko ah ay wateen ciidamo katirsan Milatariga Soomaaliya.

Goobjooge la hadlay Allbanaadir News ayaa noo sheegay in Qaraxa Miino lagu aasay laamiga dhinaca xigta Kulliyada Jaalle Siyaad ay degan yihiin Ciidamo AMISOM katirsan, waxaana qaraxa uu dhacay xili halkaasi uu marayay gaari Nuuca Dagaalka .

Inta la xaqiijiyay qaraxan waxaa ku dhaawacmay hal nin oo gaari dameer waday oo halkaasi marayay, waxaana qaraxaasi ka bad baaday gaarigii Tiknikada iyo ciidankii saarnaa ee la doonayay in lagu waxyeeleeyo.

Qaraxa Miino kadib ayaa rasaas waxaa furay ciidankii Milatariga ee qaraxa ka bad baaday, lamana soo sheegin wax khasaaro ah oo rasaastaasi ay fureen ciidanka Milatariga dad shacab ah kasoo gaaray.

Inta badan qaraxyada Miino ee lagu aaso hareeraha wadooyinka ayaa lala eegtaa gaadiidka dagaalka ay wataan ciidanka dowlada, waxaana mararka qaar qaraxyadaasi ay khasaaro kasoo gaartaa dadka shacabka ah.


Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




ADVERTISEMENT