DEG DEG : Ciidamadii ugu badnaa iyo gawaarida waa weyn ee dagaalka oo ku qul qulaayo degaanka Tukaraq

Sida ay sheegayaan warar hoose oo lagu kalsonaan karo ayaa shegaayo in gurmadkii ugu balaarnaa soo gaaray degaanka Tukaraq oo dagaalo kudhex marayaan ciidamada Somaliland iyo Puntland.

Ciidamadaas ayaa ka kala soo ruqaansaday magaalooyinka Garoowe iyo Hargeysa oo ah xarumaha labada maamul goboleed waxaana u badanyihiin ciidamo iyo gadiidka waa weyn ee dagaalka.

Gadiidka lagu daabulo askarta ayaa la arkaayay oo kusoo qul qulaayo jiidaha hore oo dagaalka kasocda kuwaasi oo saaranyihiin ciidamo aad u farabadan oo boqolaal gaaraayo.

Labada dhinac ayaa wado abaabulka dagaalo xoogan inkastoo baaqyo ka kala helayaan bulshada iyo madaxda gobolka si loo joojiyo dagaalada xiligaan halkaas kasocda.

Labada hogaamiye ee maamulkaas ayaa hadalo kul kulul isweydarsaday waxaana ay sheegeen in dagaalka sii socon doono hadii xal laga waayo mid midka kale.

Isku soo wada duub la arki dooneey waxyaabaha kusoo kordha xaalada dagaal ee kataagan degaanka Tukaraq.


Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




ADVERTISEMENT