Dowlada oo shaacisay Lacagta Sanadkan xajka ku tagayaan dadka Soomaaliyeed..

War qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda awqaafta iyo arrimaha diinta Xukuumada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in laga heshiiyay khilaafkii ka dhashay qiimaha xajka sanadkan lagu tagayo.

Wasaaradda awqaafta iyo arrimaha diinta ayaa dadaal badan u gashay sidii loo yareyn lahaa qarashka faraha badan ee dadka looga qaado xajka , waxa ayna Wasaarada ku guuleesatay in lacag badan laga dhimo lacagihii sanadkii hore lagu tagayay xajka.

Wasaarada ayaa sheegtay in sanadkan dadka Soomaaliyeed ku xajin doonaan lacag dhan $3,300(sadex kun, sadex boqol), lacagtan ayaana ah mid dadka loogu qabanayo dhamaan adeegyada dhan sida Visaha ,Diyaaradaha, deegaanka iyo adeegyada kale.

Dowlada Soomaaliya ayaa sanadkan u ogolaatay shan kamid ah Shirkadaha Diyaaradaha Soomaaliya ka howlgala kuwaa oo sanadkan Dalka Sacuudiga u daabuli doona Xujeyda Soomaaliyeed.

Shirkadaha Wasaarada Heshiiska la gashay ayaa kala ah
Shirkadda Daalo Airlines
Shirkadda Jubba Airways
Shirkadda Ocean Airways
Shirkadda African Express
Shirkadda Freedom Airlines
Wasaarada owqaafta iyo Arimaha Diinta Xukuumada Soomaaliya ayaana soo saarista Viisooyinka Xajka kala heshiin doonta shirkadaha Diyaaradaha ee loo ogolaaday in dadka Soomaaliyeed xajka geeyaan.


Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




ADVERTISEMENT