DEG DEG : Madaafiic Goordhaw ku soo dhacay xaafado ka tirsan Muqdisho iyo Xaalada oo aad u Kacsan

Madaafiic iyo qaraxyo ayaa caawa laga maqlayaa qeybo ka mid ah degmooyinka iyo xaafadaha magaalada Muqdisho.

Madaafiicdan ayaan illaa hadda la ogeyn galka laga soo tuurayo iyo goobaha ay ku dhacayaan, iyadoo dadweynuhuna ay muujinayaan dareen cabsi leh.

Duqeyntan ayaa ku soo beegantay xili ay caawa bilatay bisha barakeysan ee Ramadaan, ka dib markii ay buuxsantay 30-ka bisha Shacbaan ayaa maalintii 1aad ee Ramadaan.

Jugta madaafiicda oo ah nooca hoobiyaha loo yaqaano ayaa weli ka dhacaya magaalada, iyadoo illaa hadda aan la ogeyn khasaaraha ay geysteen, waxaana aad u kacsan xaalada magaalada.

Wixii warar ah ee ku soo kordha kala soco boggan insha allaah


Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




ADVERTISEMENT