Home Wararka Akhriso Wararkii ugu dambeayay Dagaalka Tukaraq ee Puntland iyo Somaliland…

Akhriso Wararkii ugu dambeayay Dagaalka Tukaraq ee Puntland iyo Somaliland…

840

Xaaladda Deegaanka Tukaraq ayaa degan Kadib Dagaalo Culus oo halkaas Shalay ilaa maanta Gelinkii hore ku dhex marayey Ciidamada Puntland iyo Somaliland.

Dagaalka dhexmaray Puntland iyo Somaliland ayaa waxaa ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac, iyadoo saraakiil u kala hadlay laba dhinac ay sheegeen in ay guulo ka gaareen dagaalka.

labada dhinac ayaa weli is hor fadhiya, iyadoo gurmadyo hor leh ay soo gaareen goobta la isku horfadhiyo, kuwaasi oo ka kala imaanaya magaalooyinka ay kala maaamulana Puntland iyo Somaliland.

Waxaa laga cabsi qabaa in dagaalka uu qarxo xili walbo, maadaama ay ciidamadu ay weli is horfadhiyaan.

Barakac xoogan ayaa la soo sheegayaa deegaanka Tukaraq iyo deegaanada kale oo ku dhow-dhow, iyadoo dadka ay ka cabsi qabaan in ay waxyeelo ka soo gaarto dagaalka.

Baaqyo ku aadan dagaalka ayaa loo diray madaxda Puntlanbd iyo Somaliland, kuwaasi oo ay direen madax dowladda Soomaaliya iyo beesha caalamka.

SHARE