WAR DEG DEG AH: R/W Khayre oo hada Muqdisho kusoo bandhigaya dhoola tus uu maalmahaan ka mashquulay..

Raisul Wasaaraa Xukuumada federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor dhow bilaabay kormeer shaqo oo uu ku kala bixinayo qaar ka mid ah xarumaha dowlada ee Magaalada Muqdisho.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa meelaha uu booqday waxaa ka mid ah xarunta Wasaaradda arrimaha dibeda Somalia, waxaana halkaas ku soo dhoweeyey Wasiirka Wasaaradaas iyo qaar ka mid ah howlwadeenada ka howlgala xarunteeda.

Wasiirka arrimaha dibeda Soomaaliya ayaa raisul wasaare Khayre warbixin ka siiyey waxqabadkiisii mudada kooban ee uu xilka hayo iyo sida ay u socdaan howlaha Wasaaradda, wuxuuna xusay inuu ku faraxsan yahay booqashada uu xarunta Wasaarada ku yimid Raisul Wasaaraha.

Dhankiisa Raisul wasaare Khayre ayaa ku amaanay masuuliyiinta iyo shaqaalaha Wasaarada arrimaha dibeda sida hufan ee ay Waajibaadkooda u gudanayaan isagoo kula dardaarmay iney sii xoojiyaan dedaalkooda.

Raisul Wasaare khayre oo weli ku guda jira komeerkiisa ayaa goor dhow booqan doona xarumo kale oo ka tirsan kuwa dowlada ee ku yaalla magaalada Muqdisho isagoo u kuurgalaya sida ay u socdaan howlaha ay bulshada iyo Qarankaba u hayaan.

 


Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




ADVERTISEMENT