Home Wararka SAWIRO: Gudoomiyaha Gobalka Banaadir oo Hal arin Muhiim ah kaga dayanaya Taabit...

SAWIRO: Gudoomiyaha Gobalka Banaadir oo Hal arin Muhiim ah kaga dayanaya Taabit Cabdi..

557

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaaladda Muqdisho, Mudane C/raxmaan Cumar Yariisoow iyo Masuuliyiin ka tirsan Maamulkiisa ayaa Isbitaalka digfeer ku booqday Iiimaan C/raxmaan oo ah Gabar laga keenay Magaaladda Gaalkacyo oo la xanuunsan cudurka Kansarka ee dhuuxa ku dhaca.
Guddoomiye Yariiso ayaan booqashadiisa kadib sheegin wax deeq ah oo maamulkiisu u fidinayo gabadhaasi, laakiin wuxuu taas bedelkeeda qeylo-dhaan u sameeyey shacabka Gobolka Banaadir ku nool, isagoo u weydiiyey yabooh dhaqaale si dalka Turkiga loogu daweeyo gabadhan Iiimaan C/raxmaan.
Kharashka ku baxaya gabadhan ayaa qiyaasay ilaa $250,000, Waxaana dadka Soomaaliyeed ilaa hadda ay u ururiyeen $106,000, iyadoo ay u dhiman tahay lacag ka yar 150,000 doolar.
Guddoomiyihii hore ee G/Banaadir Taabit Cabd Maxamed ayaa ku caan baxay inuu dadka noocan oo kale ah u fidiyo gurmad caafimaad oo uu kharashka ka bixiyo.

SHARE