MUQDISHO: Ciidamada NISA oo Weerar qorsheysan ku qaaday degmo saldhig u ah Shabaab…

Ciidamada nabad sugida Soomaaliya ayaa Xalay howlgal ballaaran ka sameeyay qeybo ka mid ah degmada Kaxda ee gobolka Banaadir.

Howlgalka oo bilowday Xalay Fiidkii hore ayaa waxaa uu saameeyay dhaqa qdhaaqa dhowr Xaafadood oo ku yaalla degmadaasi.

Sidoo kale Ciidamada dowladda, gaar ahaan kuwa NISA ee waday howlgalkaasi ayaa gaaray deegaanada hoos yimaada degmada Kaxda, halkaas oo la sheegay in xilliyada qaar ay weerar ka soo qaadaan dagalayahannada Xarkada Al Shabaab.

Ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay maamulka degmadaasi oo ku aadan howlgalkaasi.

Dhaq dhaqaaqyada Ciidan ee ka socda Kaxda ayaa imaanaya, xilli Habeen hore degmadaasi uu ka dhacay dagaal u dhaxeeyay Al Shabaab iyo Ciidamada DFS.


Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




ADVERTISEMENT