Home Wararka XOG: MD Farmaajo oo hadda ka dib Siyaasadda ka hagaya meel ka...

XOG: MD Farmaajo oo hadda ka dib Siyaasadda ka hagaya meel ka baxsan Villa Somalia..

904

Sida aan ogaanay madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maalmaha soo socda qorsheynaya inuu ka guuro madaxtooyada Villa Soomaaliya.
Illo xog ogaal ah oo ku sugan madaxtooyada Soomaaliya ayaa inoo sheegay in madaxweynaha uu si KMG ah maalmo uga sii shaqeyn doono Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya oo ku taalo mid ka mid ah degmooyinka loo tiriyo inuusan amaankeeda hagaagsaneyn.
Madaxweyne Farmaajo ayaa Qorshahan ka damacsan mid uu ku dhiira gelinayo Ciidamada Qalabka sida una kuurgalo howlaha Ciidamada iyo siday Wasaaradda u shaqeyso.
Lataliyaasha dhanka Militariga kala taliya madaxweynaha ayaa la sheegayaa iney ka danbeeyaan Qorashan,waxay ku micneeyeen mid ahmiyad gaar ah siinaya dagaalka Al-Shabaab.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa hadda ka hor ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Al-Shabaab,dhawaana wuxuu booqday Wasaaradda Gaashaandhiga si u dhiira geliyo Ciidamada.

SHARE