Home Wararka SHABAAB oo Sarkaal Sare ku dilay Muqdisho..

SHABAAB oo Sarkaal Sare ku dilay Muqdisho..[Magaciisa]

746

Xarakada Al Shabaab ayaa war ka soo saartay dagaal xoogan oo Xalay Ciidamada dowladda iyoo dagaalayahano ka tirsan Al Shabaab ku dhexmaray degmada Kaxda ee gobolka Banaadir.
Warka ka soo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in weerarkaasi ay ku dileen sarkaal ka tirsanaa Ciidamada DFS, kaas oo magaciisa ay ku sheegeen Muxamed Xaduur Alxan.
Sidoo kale Al Shabaab ayaa intaasi ku daray in si dirqi ah uu uga badbaaday taliyaha Nabad Sugida degmada Kaxda, sida ay ku baahiyeen barahooda Internet-ka.
Dagaalkan oo dhacay Xalay Saqdii Dhexe ayaa yimid, kadib markii Al Shabaab ay weerar ku qaaadeen Ciidamo uu hoggaaminayay taliyaha Nabad Sugida degmada Kaxda oo howlgallo ka waday halka loo yaqaano Boqolka Boos oo ka tirsan degmadaasi.
Waxaana la sheegay in halkaasi uu ka dhacay dagaal foolka fool ah oo muddo saacado ah ka socday degmadaasi.
Ma jiro illaa iyo hada wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka Kaxda oo ku aadan dagaalkaasi.
Balse xaaladda ayaa ah mid dagan, waxaana lagu soo warrayamayaa in ciidamada dowladdu ay howlgallo ka wadaan degmada Kaxda ee gobolka Banaadir.

SHARE