Home Muuqaalo DAAWO: Muusa biixi oo shaaciyay inuu dhaqan galay Heshiiskii DP-World,Farmaajana uusan iman...

DAAWO: Muusa biixi oo shaaciyay inuu dhaqan galay Heshiiskii DP-World,Farmaajana uusan iman karin Hargeysa..

629

Maamulka Somaliland ayaa shaaciyay inaan waxba u dhimeyn shaqada shirkadda Dp World ka wado deegaanada Somaliland hadalka xanafta leh ee kaga imaanaya Dowladda dhexe ee Soomaaliya.
Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi oo wareysi gaar ah siiyay Tv-ga Horn cable ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya Awood u leeyihiin iney ka taliso Somaliland,sidaasi daraateedna hadal uusan waxba u dhimeyn Heshiiska ay la galeen Shirkadda Dp World ee laga leeyahay dalka isku taga Imaaraadka Carabta.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

Sidoo kale,Madaxweyne Muuse Biixi ayaa sheegay in warqado dacwo ah ay ka gudbiyeen Dowladda Soomaaliya oo ku aadan iney ku xad gudbeyso Qaranimada iyo madax banaanida Somaliland,sida hadalka uu u dhigay,wuxuuna sheegay iney Jawaab ka sugayaan Beesha caalamka.
Dowladda Soomaaliya ayaa sharcidaro ku tilmaantay Heshiiskii saddex Geesoodka ahaa ee ay wada gaareen Maamulk Somaliland,SHirkadda DP World iyo Dowladda Itoobiya.
Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa maanta kullankoodii ugu horeeyay ee kala fadhiga Saddexaad ku yeeshay magaalada Muqdisho ku ansixiyay Xeer dalka looga mamnuucayo shirkadda Dp World laguna baabi’inayo Heshiiskii la galay.

SHARE