Home Muuqaalo DAAWO Baarlamaanka Somalia oo go’aamiyay Siyaasigii la saftaa Shirkada DP-World in uu...

DAAWO Baarlamaanka Somalia oo go’aamiyay Siyaasigii la saftaa Shirkada DP-World in uu wajahi doono 10-ilaa 30-sano Xabsi ah….

682

Xubnaha Barlamaanka Soomaaliya ayaa Maanta dalka ka Mamnuucay Shirkada Dp World, kadib markii ay ka doodeen sidii laga yeelilahaa Shirkadaasi, waxayna isku raaceen in dalka laga Mamnuuco shirkada DP World, waxa ayna soo jeediyeen qodobadaan.

HALKAAN KA DAAWO MUQAALKA

1-Heshiis kasta oo lala galo dowlad ama hay’ad kaloo shisheeye, oo ka hor imaanaya dastuurka federaalka ah waa waxbo kama jiraan aanan sharciyad laheyn
2-Heshiis kasta oo shirkadda Dubai Port World” DP world” lala galay waa waxba kama jiraan maadaama uu ka hor Imaanayo dastuurka dalka, xeerka maalgeshiga shisheeye Soomaaliya iyo shuruucda kale ee dalka u degsan.
3-Shirkadda Dubai Port World “DP World” oo si bareer ah ugu xadgudubtay siyaadada, madaxbannaanidu midnimada iyo bedqabka dalka Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliyaa, waxaa saas daraadeed shirkadan laga mamnuucay dalka.
Dhankale Xubnaha Barlamaanka Soomaaliya ayaa soo jeediyay in Muwaadinkii Soomaaliyed ee ka horyimaada qodobadaan uu muteysan doono ciqaab Xabsi ah oo u dhaxeysa 10-30 Sano.

SHARE