Home Wararka Akhriso Wasiirka Arimaha Dibada oo gaaray Hargeysa iyo Madaxweynaha Somaliland oo Cafis...

Akhriso Wasiirka Arimaha Dibada oo gaaray Hargeysa iyo Madaxweynaha Somaliland oo Cafis u fidiyay..

1423

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa cafis u fidiyay Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya Maxamed C/llaahi Oomaar, kaasoo shalay dib ugu laabtay magaalada Hargeysa.
Maxamed C/llaahi Oomaar oo ka soo jeeda Somaliland ayaa labo jeer soo noqday Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Ra’iisul Wasaare kuxigeen dowladdii KMG aheyd ee uu hoggaaminayay Sheekh Shariif.
Qaar ka mid ah wargeysyada ka soo baxa Hargeysa ayaa saaka qoray in Oomaar uu ka tanaasulay fikirkii uu hora u aaminsanaa, isla markaana uu garawsaday qadiyada gooni isu taagga ee Somaliland.
Waxaa lagu wadaa inuu la hadlo warbaahinta oo uu ka sheego mowqifkiisa iyo dib ugu soo laabashadiisa Hargeysa.
Siyaasiyiinta ka soo jeeda Somaliland ee xilalka ka qabta dowladda Soomaaliya ayaa ka mamnuuca inay tagaan deegaanada Somaliland, iyagoo aan ka tanaasulin fikirkooda.
Madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Siilaanyo ayaa cafis u fidiyay siyaasiyiin dhowr ah sida Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Somaliland Ismaaciil Hurre Buubaa, Cabdi Ismaaciil Samatar oo ka mid ahaa Musharaxiinta Madaweynaha ee isku soo sharaxay doorashadii sanadkii 2012.

SHARE