Home Wararka Meydadka Dagaal yahano Ka Tirsan Al Shabaab oo laga helay Deegaanka Katulo

Meydadka Dagaal yahano Ka Tirsan Al Shabaab oo laga helay Deegaanka Katulo

1042

Saraakiisha Booliska Kenya ayaa sheegay inay heleen meydadka sadex dagaalyahan oo ka tirsan Al-shabaab kuwaasoo la tilmaamay inay ku dhinteen weerar ay ku qaadeen saldhig booliska ku leeyihiin meel ku dhow Magaalada Wajeer.

Taliyaha Booliska gobolka Wajeer Stephen Ngetich ayaa sheegay in sadexda dagaalyahan ay ku dhinteen dagaal socday laba saacadood oo u dhaxeeyay Al-shabaab iyo ciidamada Kenya oo ka dhacay saldhiga booliska ee Kutulo maalmo ka hor.

Taliyaha ayaa xusay iney ku raad joogaan dagaalamayaal kale oo Al-shabaab ka tirsan kana qeyb qaatay weerarkaas ay u baxsadeen dhinaca Keymaha.

Stephen Ngetich ayaa tilmaamay inay isku baahiyeen dhinaca xuduuda Kenya iyo Soomaliya si loo dabagalo kooxdii kale ee ka baxsatay weerarkaasi.

SHARE