Dagaalkii Shabeelada Hoose ka socday oo xoogeystay iyo AMISOM oo deegaano badan kala wareegtay Al Shabaab

Ciidamada AMISOM iyo kuwa Al-shabaab ayaa ku dagaallamaya degaanno ka tirsan Gobolka Shabeellaha hoose,halkaas oo saaka ay Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM la wareegeen.

Ciidamada iskaashanaya ayaa saaka howlgalkaasi qabsaday degaannada Mubaarak,Daarusalaam iyo Ugunji oo dhamaantood ka tirsan Gobolka Shabeellaha hoose.

Ciidamada Al-shabab ee ku sugnaa degaannadaas ayaa isaga baxay kaddib howlgalka waxaana ay kaddib ku qaadeen weerarro rogaal celis ah iyada oo ay hadda ku dagaallamayaan degaannadaas.

Al-shabaab waxaa ay sheegtay in Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda Soomaaliya ay taageero ka heliyaan diyaarado ka soo duulay Garoonka Diyaaradaha ee Balli-doogle iyo Ciidamo dhulka ah oo ka baxay Magaalada Muqdisho.

Isku day xiriir oo aan la sameynay Maamulka Gobolka Shabeellaha hoose ayaa wali inoo suurtagelin,waxaana idin soo gudbin doonnaa sida ugu dhaqsiyaha badan.


Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




ADVERTISEMENT