DAAWO Diyaarad Rakaab ah oo ay saarnaayeen 65-qof oo burburtay..

Diyaarad rakaab ah oo ay saarnaayeen 65 rakaab ah iyo 6 shaqaale ah ayaa burburtay waxyar kadib markii ay ka kacday garoonka Domodedovo ee magaalada Moscow.
Diyaaradan Saratov Airlines ayaa la wayay daqiiqado kadib markii duushay waxayna ku dhacday tuulada Argunovo oo 80km Koofur Bari ka xigta magaalada Moscow.

Lama yaqaan sababta keentay burburka diyaarada iyadoo shaqaalaha gargaarka lagu arkay goob uu barafku qariyay oo ay ku dhacday diyaarada.
Diyaaradan oo noocedu yahay Antonov-148 ayaa u safraysay magaalada Orsk ee xadka Ruushka u la wadaago dalka Kazakhstan,waxayna ka soo ambabaxday magaalada Moscow.
Wasaaradda Gaadiidka Ruuska ayaa Arrimo badan u aaneyneysa bur burka diyaarada oo ay ku jiraan xaaladda hawada iyo cilado ka jira dhanka duuliyaha.


Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




ADVERTISEMENT