Home Wararka XOG : Wasiiro Cusub oo Goordhaw Laga Saarayo Liiska Golaha Wasiirada Somalia...

XOG : Wasiiro Cusub oo Goordhaw Laga Saarayo Liiska Golaha Wasiirada Somalia (Yaa Kamid ah)

1261

Xogta ayaa sheegeysa in Xubno ka tirsan Wasiirada Xukuumadda Xasan Cali Kheyre ay qorsheynayaan inay iscasilaan.
Wasiiradan ayaa qaati ka taagan yihiin wax ay ugu yeereen bahdilaadda uu kula dhaqmayao Ra’isul wasaaraha Xukuumada Xasan Cali Kheyre.
Wasiirada ka cabanaaya nidaamka ayaa si gaara u dhaliilsan isla xisaabtanka joogtada ah iyo sida loogu koontaroolayo howlaha guud iyo kuwa gaarka ah oo ay u hayaan Qaranka, ayada oo mararka qaar ay dhacdo, sida arday oo kale, xitaa warqadahooda gaarka ah la hubiyo.
Wasiirada tabashada muujinaaya ayaa la sheegay in muddo laba jeer ah ay Ra’isul wasaaraha ka dalbadeen inuu u madaxbaneeyo howlaha qaar, hayeeshee waxaa arrintaasi diiday Kheyre.
Wasiirada ayaan diidaneyn isla xisaabtan, hase yeeshee waxay Kheyre ku dhaliileen inuun sida caruur oo kale ula dhaqmo, ayna la yaabeen wax ay ugu yeeren “jahli ka muuqda”
Si kastaba ha ahaatee Ra’iisul wasaare Kheyre ayaan joojin doonin cadaadiska uu ku hayo wasiirada si xukuumadiisa waxyaabo badan u qabato, waxaa laga warsugayaa waqtiga wasiiradan ay warqadaha istiqaalada u gudbin doonaan Kheyre.

SHARE