Home Wararka XOG : Dowlada Farmaajo oo Xabsiga Dhigtay Saraakiil Milatari ee Beesha Habargidir...

XOG : Dowlada Farmaajo oo Xabsiga Dhigtay Saraakiil Milatari ee Beesha Habargidir oo Doonayay inay Dagaal ugu Aargudaan Weerarkii Lagu Qaaday C/raxmaan C/shakuur

908

Warar hoose oo ay heshay Shabakada Allbanaadir News ayaa sheegaya in Dowladda Soomaaliya ay xabsiga dhigtay Saraakiil Ciidan oo la sheegay iney hogaaminayeen dagaal beeleed ka dhacay magaalada Muqdisho.
Saraakiisha Xabsiga la dhigay ayaa la sheegay iney ku heyb yihiin Siyaasi C/raxmaan C/shakuur oo Dowladda mucaaradsan,waxayna saraakiisha xabsiga la dhigay ka xumaayeen Weerarkii lagu qaaday guriga C/raxmaan shakuur laguna dilay 6-askari oo ilaalo u ahayd.
Saraakiil ka tirsan Ciidamada Militariga iyo Ciidamo hubeysan oo ka gadooday weerarkii C/raxmaan Cabdi shakuur qaab qabiilna u abaabulan ayaa gudaha Muqdisho soo galay,kuwaasi oo doonayay iney qaadaan dagaal looga jawaabayo weerarkii Siyaasiga lagu qaaday,waxaana arintaasi dhexda u galay oo arinta qaboojiyay Waxgaradka Beesha iyo Ugaaska Beesha Mudulood oo dib u celiyay Ciidamada.
Saraakiisha Xabsiga la dhigay oo tiradooda aan la shaacin ayaa xogta sheegeysaa iney hadda ku xiran yihiin xabsiga dhexe ee Xamar,halkaasi oo su’aalo lagu weydiinayo.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan sheegtay iney cafisay Mucaaradka Dowladda ka hojeeda,oo ay kala dan lahayd C/raxmaan C/shakuur.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here