Home Wararka Wararkii ugu Dambeeyay Qarax Ka Dhacay Qansaxdheere & isgaarsiinta oo hawada laga...

Wararkii ugu Dambeeyay Qarax Ka Dhacay Qansaxdheere & isgaarsiinta oo hawada laga saaray..

441

Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax ka dhacay degmada Qansaxdheere ee gobolka Baay.
Sidda ay xaqiijiyeen dadka degaanka Qaraxa ayaa ka dhacay Barkontarool oo ay leeyihiin ciidamada maamulka koonfur Galbeed, waxaana dhashay khasaare kala duwan.
Qaraxa ayaa ahaa Miinada dhulka lagu Aaso, waxaana Mas’uuliyadda Qaraxaasi sheegtay Al-Shabaab.
Baraha Internet-ka ee taageera Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in Qaraxaasi uu ahaa Mid xooggan, islamarkaana markii dhacay hawadda laga saaray isgaarsiinta degmada Qansaxdheere.
Degmada Qansaxdheere ayaa waxaa ku sugan ciidamada maamulka Koonfur Galbeed, waxaana xusid mudan in degmadaasi ay go’doomiyeen Al-Shabaab.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here