Khudbad Taariikhi ah oo Madaxweyne Farmaajo Ka Jeediyay Galkacyo Muhiimada uu Ka Hadlay +DHAGEYSO

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo oo maanta si diiran loogu soo dhoweeyay magaalada Gaalkacyo ayaa Khudbad taariikhi ah u jeediyay shacabkii iyo madaxdii soo dhoweysay.
Dadkii soo dhoweeyey wuxuu u sheegay in uu doonayo inuu ka shaqeeyo nabadda iyo is dhex galka Gaalkacyo, wuxuuna intaa ku daray in uu rabo in Gaalkacyo ay noqoto halka ay ka bilaabanayso dib u heshiisiinta.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA FARMAAJO

Wararku waxay sheegayaan in shacabka labada dhinac ee Gaalkacyo ay soo wada dhoweeyeen madaxweyne Farmaajo oo la filayo in isaga iyo wafdigiisa ay caawa halkaa ku hoydaan.
Ciidamo ka kala tirsan Puntland iyo Galmudug ayaa ayaa sugayay amaanka guud ee magaalada Gaalkacyo iyo amaanka madaxwynaha iyo wafdiga la socday.

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)

ADVERTISEMENT