Home Wararka Hogaamiyaal Shabaab Ka Tirsan Kana Mid yahay Cali Dheere oo Taleefoon Kula...

Hogaamiyaal Shabaab Ka Tirsan Kana Mid yahay Cali Dheere oo Taleefoon Kula Hadlay Madaxda DFS

3044

Laamaha Amniga Soomaaliya ayaa waxay sheegeen inay macquul tahay war lagu farxo inay Shacabku soo gaaraan dhawaan.
Inkastoo lagu og yahay Hogaamiyeyaasha Shabaab kuwo Mayal adag oo mabda’ Xagjirnimada ku dhegan yihiin hadana waxaa socda Shukaansi lagu hayo inay soo noqdaan.

Hay’ada NISA Xubno ka mid ah oo hore uga mid ahaa Al Shabaab ayaa waxay wadahadal wakhti dheer qaatay kula jiraan iyo xiriir toos ah Hogaanka Shabaab.
Waxaa Shabakada Allbanaadir News ay heshay xog ah in Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) iyo Saraakiil kale oo Ku heyb ah R/wasaaraha kana soo jeeda Beesha Murusade ay wadahadal la galeen dawlada meel wanaagsana marayo.
Lama shaacin waxa uu ku dambeyn karo Wadahadalkaan,hore Maxamed Siciid Atom,Sheekh Zakariye,Sh.Xasan Daahir Aweys iyo Sh.Mukhtaar Rooboow Abu Mansuur ayaa kasoo baxsaday Shabaab oo Dawlada Soomaaliya la macaamilooday inkastoo Xasan Daahir Xabsi guri la geliyey markii uu diiday inuu cadeeyo Mowqifkiisa Shabaabnimo.

SHARE