Maxaa Sabab u ah in Siyaasiyiinta Beesha Abgaal la Saftaan Dowlada Farmaajo Maxaase Lagu Qanciyay Mucaaradka Habargidir..(Akhriso Sir la helay)

Dowladda uu hoggaaminayo Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa ku guuleysatay iney kala jarto siyaasiyiinta beelaha Habargidir iyo Abgaal, islamarkaana meesha ka saaraan hammigii ahaa in dowladda la dabagediyo.
Xog ayaa sheegeysa in DFS ay ku guuleysatay iney kasbato dhammaan siyaasiyiinta beesha Abgaal.
Siyaasiyiintan ayaa naloo sheegay in lagu kasbaday qaab cajiib ah oo aan la fileyn, waxaana ay dowladda usoo bandhigtay qorshe ay ugu sheegtay in dalka lagu dhisayo, iyagana aanay qeyb ka noqon duminta dalkaan.
Sidoo kale DFS ayaa usoo dirtay siyaasiyiinta culimada iyo waxgaradka Beesha Abgaal, waxaana loo sheegay iney duco qaataan oo aanay dowladda kahor imaan.
Siyaasiyiinta dhanka mucaaradka ugu cad caddaa beesha Abgaal ayaa hadda waxay noqdeen garbaha ay ka duusho DFS.
Sidoo kale Siyaasiyiinta Beesha Habar gidir oo Qaar Xildhibaano ah mucaaradna ku ahaa Dowlada Farmaajo ayaa hada afka loo buuxiyay waxaana lagu Aamusiyay Wasiirka Cusub ee Arimaha gudaha sidoo kale waxaa jira qorshe siyaasiyiinta mucaaradka qaar Xilal loogu dhiibayo waxaan halkaasi ka muuqata isbadal ku yimid mucaaradkii dowlada Farmaajo.


Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




ADVERTISEMENT