DAAWO Madaxweyne Farmaajo oo si weyn loogu soo dhaweeyay Magaalada Boosaaso..

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.
Wafdiga madaxweynaha oo ay ku jiraan xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa maalmahaan ay safaro ku tagayeen deegaano ka tirsan gobolada Nugaal iyo Bari.
Wafdiga madaxweynaha oo ka tagay magaalada Qardho ayaa waxaa dadweyne badan ay kusoo dhaweeyeen magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.
Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xarunta maamulka Gobolka Bari kula kulmay xubnaha maamulka gobolka iyo waxgaradka magaalada Boosaaso.
Farmaajo waxaa safarkiisa Magaalada Boosaaso ku wehlinaya Madaxweynaha Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas, Wasiiro, Xildhibaano iyo weliba Siyaasiyiin.
Amaanka magaalooyinka gobolka Bari iyo waddooyinka gobolkaasi ayaa aad loo adkeeyay maadaama ay ku sugan yihiin wafdiga madaxweynaha dowladda Soomaaliya.
Madaxweyne Farmaajo ayaa hadda kasii dhamaanaya safarkiisii uu ku joogay Puntland, waxaana laga sugayaa deegaanada Galmudug.


Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




ADVERTISEMENT