Home Wararka XOG : Maxaa Mukhtaar Roobow U Sahlay inuu Saraakiisha Al Shabaab ku...

XOG : Maxaa Mukhtaar Roobow U Sahlay inuu Saraakiisha Al Shabaab ku qanciyo inay isa soo dhiibaan..? (Akhriso Sir la helay)

3095

Tan iyo wixii ka dambeeyay markii Sheekh Muqtaar Rooboow Abuu Mansuur uu kusoo biiray dowladda Soomaaliya , waxaa isi soo tarayay saraakiisha ka tirsan Al-shabaab ee isku soo dhiibaya dowladda Soomaaliya .

Labadii Todobaad ee ugu dambeysay waxaa deegaanada Maamulka Koonfur Galbeed iska soo dhiibay dagaalamayaal badan iyo saraakiil ka tirsan Al-shabaab , waxaana ugu dambeeyay sarkaal shalay galab Xudur diyaarad looga soo qaaday kaas oo laga dejiyay Baydhabo.

Sheekh Muqtaar oo muddo dheer lasoo shaqeynayay Al-shabaab ayaa waayihii ugu dambeeyay waday dadaalo uu ku doonayo in Al-shabaab looga saaro Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya , waxaana tan iyo markii uu dowladda kusoo biiray waday wada hadallo uu arinta dagaalka Al-shabaab kala yeelanayo madaxda maamul goboleedyada dalka iyo saraakiisha dowladda Soomaaliya .

Wadaadka ayaa ka mid ah raggii Aas aasay Al-shabaab ,waxaana uu si aad ah ugu xeel dheeryahay Al-shabaab oo uu mudo badan lasoo shaqeeyay , waxaana uu mar soo ahaa Afhayeenkii ururkaas , isagoo saaxiib dhow la ahaa Macalin Aadan Xaashi Ceyroow oo ka mid ahaa aas aasayaashii ururka oo la dilay bishii 5aad 2008-da

Arimaha u sahlay in uu Sheekh Muqtaar ku qanciyo saraakiisha Al-shabaab inay isi soo dhiibaan

Al-shabaab ayaa hadda dhexdooda waxaa ka taagan khilaaf la mid ah kii Hogaamiyihii hore iyo saraakiisha Al-shabaab soo kala dhexgalay sanadihii 2012 iyo 2013 ee lagu dilay saraakiil sar sare oo ururkaas ka tirsanaa Sida Ibraahim Afgaan , Abuu Mansuur Al Amriiki iyo saraakiil kale oo si aad ah ururkaas uga dhex muuqday .

Sidoo kale khilaafka hogaamiyihii hore ee ururka Axmed Cabdi Gobe iyo saraakiisha Al-shabaab wuxuu sababay in xubno badan ay naftooda la baxsadaan Sida Sheekh Xasan Daahir Aweys oo dowladda Soomaaliya u xiran iyo Sheekh Muqtaar oo tan iyo xilligaas aan la shaqeyn Al-shabaab .

Al-shabaab ayaa hadda sidaas oo kale waxaa soo kala dhexgalay khilaaf sababay gacan ka hadal, waxaana dagaal toos ah uu dhexmaray dagaalyahano daacad u ah Hogaamiyaha Al-shbaab Axmed Diiriy iyo saraakiil ururka ka tirsan .

Khilaafkan wuxuu ka dambeeyay weerarkii musiibada noqday ee kadhacay Soobe ee ay ku nafwaayeen dadka ka badan 500 ee qof, dalabka dowladda ee wali fursadasiinaya inay isi soo dhiibi karaan , iyo sidii loo soo dhaweeyay Sheekh Muqtaar Rooboow oo noqotay muraayaday isku eegi karaan saraakiisha damaca uu ka hayo inay Al-shabaab isaga baxaan laakiin baqdin darted kaga sii mid ahaa ururka .

SHARE